Amnesty International oo ka codsatay dowlada Kenya inay xirto Cabdirashiid Janan

Hay’adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa dowlada Kenya ka dalbatay inay xirto wasiirka Amniga Jubbaland una gacan geliso dowlada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay hay’ada Amnesty ayaa lagu sheegay inay uu Cabdirashiid Xasan Cabdinuur uu dambiyo culus galay ayna dooneyso in lagu maxkamadeeyo magaalada Muqdisho.

Agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika Seif Magango ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in qof lagu tuhunsan yahay inuu galay dambiyo culus oo xadgudub ku ah shareecada caalamiga ah inuu ka baxsado caddaalada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo ku saabsan codsigan ugaga yimid hay’adan caalamiga ah.

Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland ayaa 28kii bishii hore ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Muqdisho,waxana uu doon ku tegey magaalada Kismaayo ugana sii gudbay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.