Barnaamijka ololaha nadaafada oo maanta Jowhar laga daahfuray

Maamulka degmada Jowhar ayaa maanta ka daahfuray magaalada Jowhar barnaamij olole nadaafadeed oo laga hirgelin doono xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Munaasabada daahfurka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha maamulka Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar,duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa lagula dardaarmay haweenka ka qeybqaadanaya ololahan inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa nadaafada magaalada oo ah caasimada maamul goboleedka Hirshabelle.

Xooggaga ka qeybgalaysa barnaamijkan oo ah midkii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah ayaa loo qeybiyay qalab nadaafada wax loogaga qabanayo.

Barnaamijkan nadaafada ayaa waxaa maalgelinaya hay’adaha IOM iyo UNDP iyadoo uu hirgelin doono barnaamijka Shirkadda Midnimo.