Mareykanka oo duqeyntii 4aad ee sanadkan 2020 ka fuliyay Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa war ka soo saaray duqeyn shalay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, kaasoo lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeedka Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxibadood Soomaaliya ay 2-dii bishan oo shalay aheyd ku dileen duqeyn ka dhacday degmada Jilib oo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin.

Duqeynta ayaa lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan la sheegin heerkiisa, sidoo kale ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka, sida lagu caddeeyay war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Ciidamada Soomaaliya, si looga adkaado argagixisada.

Mareykanka ayaa sanadkan cusub 2020 ka fuliyay Soomaaliya illaa afar weerar, iyadoo sanadkii la soo dhaafay 2019 uu ahaa sanadkii ugu weerarka badnaa, iyadoo ku dhowaad lix duqeymo ka fuliyay Soomaaliya.