Dalalka Israel iyo Sudan oo xiriir diblumaasi yeelanaya

Dalalka Suudan iyo Israel ayaa isku raacay inay yeeshaan markii ugu horeysay xiriir diblumaasi kadib markii labada hogaamiye ee dalalkaas ay ku kulmeen dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kula kulmay magaalada Entebbe Madaxa Golaha Maamulka Sudan abdel Fattah al-Burhan.

War ka soo baxay Xukuumada Israel ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla oggolaadeen inay yeeshaan iskaashi lagu caadiyeynayo xiriirka labada dal.

“Waxaan isku raacnay in aan bilowno iskaashi horseedaya sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada dal.”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka Netanyahu.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibada Sudan Asmaa Mohamed ayaa sheegtay inay warbaahinta ay ka ogaatay wararka la sheegayo balse ma bixin faahfaahino dheeraad ah.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Sudan iyo afhayeenka dowlada ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen inayan warba u hayn heshiiska Uganda ayna golaha wasiirada ka sugayaan kala cadeyn marka uu soo laabtao Burhan.

Sarkaal sare oo u hadlay Falastiiin ayaa cambaareeyay kulanka waxana uu ku tilmaamay midi dhabarka loogaga dhiftey shacabka Falastiin.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay wadamada carabta oo sanadkii 1967dii ka soo saaray wax loo yaqaan “Saddexda Mayada ah” oo kala in aan la aqoonsan Israel,inaan nabad lala wadaagin iyo inaan wadahadal lala yeelan.