Dowlada oo bilowday baaritaan caafimaad oo dhinaca cudurka Coronovirus

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritan caafimaad oo lagu sameynayo dadka safarka ee ka soo degaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Baaristan ayaa salka ku haya sidii loogaga hortagi lahaa cudurka faafa ee Coronavirus oo dhawaan ka dilacay dalka Shiinaha,wadamo badan oo caalamka ahna ku fidey.

Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay ugu tala gashay wasaaradda ayaa la geeyay garoonka si ay usameyan baaritaanka ku aadan cudurka Coronavirus oo guud ahaan caalamka ay ka muujiyeen digniino qatar ah.

Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibada.