Mareykanka oo dib u heshiisiin ugu baaqay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Dowlada Maraykanka ayaa ugu baaqday dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedyada inay dib u cusbooneysiiyaan wadahashaqeyntooda iyo weliba iskaashiga wadamada gobolka iyo beesha caalamka.

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadashaqeyntaasi ay horseedi karto in laga guuleysto Al-Shabaab isla markaana horumar iyo barwaaqo shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan.

“Maraykanka waxa uu sii wadayaa dadaalada ku aadan dhinacyada dowlada Soomaaliya iyo dhammaan shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Maraykanka ayaa markale ku cadeeyay qoraalka inuu aqoonsan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada Maraykanka