Milatariga Sudan oo taageeray heshiiska uu hogaamiyaha Sudan la gaaray Israel

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa taageeray hogaamiyaha wadanka Sudan kulankii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel ayna ka wada hadleen sidii xiriir u dhex mari lahaa labada dal.

Hogaamiyaha Maamulka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa la kulmay saraakiisha u sareysa ciidamada milatariga Sudan kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalkiisa.

Kulankan ayaa waxaa uu saraakiisha ciidamada uga warbixiyay wadahadaladii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu.

Hase yeeshee kulanka uu la yeeshay General Burhan ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan golaha wasiirada xukuumada Sudan.

Hogaamiyihii hore ee la afgambiyay Cumar Xasan Albashir ayaa xukuumadii uu hogaaminayay si weyn ugaga soo horjeeday Israel iyo dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka Falastiin.