Duqa Muqdisho:”Qoriga aan ammanka ka shaqeyneyn ciddii wadata waxaa nooga go’aansan in la dilo”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisu ay ka go’an tahay inuu wax ka qabto ammaanka isla markaana dadka sharci darrada hubka ku sita magaalada ay la dagaalami doonaan.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay maanta munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka in khilaafkooda ay ku dhamaystaan maxkmadaha ayna marnaba dhexdooda ka dagaalamin.

“Sideedaba qori aan amaanka ka shaqeyneynin ee magaaladaan gudaheeda lala gaaf wareegaayo anaga in la dilo ayaa nooga go,aansan,Maxaa yeelay qofka waa hubeysanyahay qorigiisuu rabaa inuu ku goosto sharcigiisa iyo rabitaankiisa marka annaga gacmaha miyaan isdul saaraneynaa ma aqbaleyno”ayuu yiri duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si gaar ah farta ugu fiiqey degmooyinka u furan gobolada kale ee dalka isagoo sheegay in maleeshiyaad hubeysan ee halkaa ku sugan ay ka hortagi doonaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa hore dhowr jeer waxa uu ka hadlay arrimaha ammaanka isagoo ballanqaaday in maamulkiisu uu wax ka qabanayo ammaanka caasimada dalka.