Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Safiirka Sweden oo Muqdisho ku kulmay

Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaran Marwo Xaliimo Ismaaciil ayaa kula kulantay xafiiskeeda safiirka Sweden ee dalka Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulankan ayaa loogaga hadlay halka uu maryo u diyaargarowga doorashada lagu wada in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dhamaadka 2020ka.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya ku ammaanay shaqooyinka u qabsoomay ee doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ka hor doorashada sanadka soo aadan.
War ka soo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran ayaa lagu sheegay;

“Safiirka iyo gudoomiyaha Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee labada aqal ka qabteen sharciga doorashooyinka, iyadoo Golaha Shacabka uu horey u soo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka halka Aqalka Sare na la filaayo in uu dhawaan ansixiyo”.

Safiirka dowladda Swedan ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay taageerada hawlaha guddiga si uu xaqiijiyo doorashada qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacdo.