Maamulka Puntland oo xirey xaruntii Guddiga doorashada madaxa banaan ee magaalada Garowe

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Puntland ayaa lagu amray maamulka gobolka Nugaal in uu xiro xarunta uu guddiga doorashooyinka madaxa banaan ku lahaayeen magaalada Garowe.

Sidoo kale wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa amartay in wax kulamo ah aysan guddiga doorashooyinka qaran ku qaban Karin deegaanada Puntland.

Hase yeeshee wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaan sharaxaad ka bixin sababta rasmiga ah ee looga joojiyay howlaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu xirey xarunta.