Nabadoon ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Maamulka Jubbaland

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu ciidamada ammaanka ee degmada Afmadow gobolka Jubbada Hoose uu isu soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Nabadoonkan ayaa la sheegay inuu mid ka mid ah beelaha dega Jubbaland uu ugaas u ahaa balse uu xilli hore ku biirey ururka Alshabaab oo deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka fariisimo ku leh.

Ugaas Maadey oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhibaato uu kala kulmay madaxda Al-Shabaab sidaa darteedna uu ka soo baxsaday.

Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay maamulka Alshabaab oo la xiriira nabadoonkan ka soo baxsaday. Hore ayaa ururka Al-Shabaab waxaa uga soo baxsan jirey dagaalamayaal ka tirsan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo nabadoon uu ka soo cararo deegaanada ay maamulaan.