Sheekh Shaakir oo ku baaqay inaan si qaldan loo isticmaalin dhaqaalaha loogu talogalay Galmudug

Sheekh Maxamed Shaakir oo ay dhowaan ururka Ahlu Sunna u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay dowlada federalka inaysan dhaqaalaha loogu talogalay Galmudug aysan si qaldan u isticmaalin.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa loogu baaqay dowlada federalka inaysan dhaqaalaha shacabka Galmudug aysan u adeegsan dano siyaasadeed.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu amray wasiiradii maamulkii hore ee Galmudug inay howlahooda si caadi ah u sii wataan inta laga magacaabayo gole wasiir oo cusub.

“Dhammaan hay’adaha xiriirka la leh dowlad goboleedka Galmudug waa inay la shaqeeyaan wasiiradii la magacaabay 13/10/2018-kii inta laga soo dhisayo gole wasiir oo cusub kadib munaasabada caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu soo saarayay qoraalo kala duwan oo la xiriira howlaha maamulka Galmudug,iyadoo dhinaca kalana Madaxweynaha ay doorteen baarlamaanka 2aad ee Galmudug Axmed Nuur Qoorqoor oo uu ka wado wadahadalo magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka sheekh axmed shaakir