Weriye Cumar Soomane oo damiin lagu sii daayay

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in damiin lagu sii daayay weriye Cumar Maxamed Soomane oo ciidamada Booliska xireen shalay.

Dadaalo ay sameeyeen ururka saxafiyiinta Puntland ayaa suurtogeliyay in damiin muddo 7 maalmood ah lagu sii daayo weriye Soomane.

Wariye Soomane ayaa loo haystaa warar uu ka sii daayay idaacada Kulmiye oo uu wakiil uga ahaa gobolada Waqooyi Bari muddo dheer.

Hase yeeshee Wariye Cumar Soomane ayaa dhowaan loo magacaabay weriyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.