Dhakhtar ka digey cudurka Coronovirus oo isla cudurka u geeriyooday

Dhakhtar Li Wenliang oo ahaa dhakhtar ka digey cudurka Coronovirus ayaa ugu dambeyntii u geeriyooday isla cudurka Coronovirus.

Geerida dhakhtarkan oo markii ugu horeysay ka digey khatarta cudurkan ayaa waxaa ka dhashay carro xoog leh iyadoo shacabka Shiinaha ay aad uga naxeen.
Li Wenliang ayaa cudurkan ka qaaday sida la sheegay xilli uu ku daweynayay bukaan qaba cudurka magaalada Wuhan.

Bishii December ee sanadkii hore ayuu u direy fariin dhakhaatiirta kale isagoo sheegay in cudur u eg Sars uu arkay balse markii dambe noqday coronavrius.

Ciidamada Booliska ayaa u sheegay dhakhtarkan inuu joojiyo dacaayada uu faafinayo waxaana lagu eedeeyay inuu fidinayo warar aan sal lahayn.

“Uma malaynayo inuu ahaa qof abuuraya warar kutiri kuteen ah,waxa uu sheegayay sow dhab ma noqon?”ayuu yiri Dr Li aabihii.

Waxaa durba soo baxaya eedeymo loo soo jeedinayo dowlada taasoo ah inay hoos u dhigtey halista uu cudurkan leeyahay ayna sahashatay warkii uu sheegay Dr Li.

Cudurkan ayaa waxaa u geeriyootay dad gaaraya 636 halka uu soo ritey 31,198 kuwaasoo badankood ku sugn gudaha dalka Shiinaha.

Caabuqan ayaa sababa xanuun saameyn xoog leh ku yeesha habsami u socodka neef mareenka, calamadihiisuna waxay inta badan ka billowdaan qandho, kaddibna waxaa kusii xigsada qufac engagan.