Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay Guddoomiye kuxigeenkii Gedo iyo Guddoomiyaha Baardheere

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku xirtay Guddoomiye kuxigeenkii Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-Qaadi) iyo Guddoomiyihii degmada Baardheere Ismaaciil Qorax, kaddib markii shalay waan waan muddo socotay shalay lagu keenay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere shalay diyaarad looga soo qaaday Baardheere, markii wada hadalo muddo socday ay la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo maalmo ka hor gaaray Baardheere, laguna qanciyay inay Muqdisho u soo raaxaan si ay wada hadalo ula galaan dowladda.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa si weyn uga soo horjeeday qorshaha ay dowladdu waday ee la doonayay in Maamulka Jubbaland looga gooyo Gobolka Gedo.

Labada Mas’uul ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo u galbiyay xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo markii dambe lagu xiray.

Ma jirto wax faah faahin ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xariga Mas’uuliyiintan ka tirsanaa Maamulka Gobolka Gedo ee ka tirsan Jubbaland.