Madaxweyne Deni:”Madaxweyne Farmaajo waa hareer maray nidaamkii lagu heshiiyay.”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Madaxweyaha Jamhuuriyada Federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu hareer maray heshiisyadii hore loogu heshiiyay.

Siciid Cabdulaahi Deni oo hadlay isagoo ay hareeraha ka joogaan intabadan xubnihiisa Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in dowlad federalka ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamul Goboleedyada .

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland faderaalka ku matala iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka inay isugu yimaadaan shir wadatashi oo ka dhacaya magaalada Garowe 15ka bisha March ee soo socota.
Shirkan ayuu sheegay Madaxweyne Deni in loogaga hadlayo xiriirka sii xumaanaysa ee Puntland iyo Faderaalka u dhaxeeya .

“Waxbadan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammeeyo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano ” ayuu yiri Deni.

Warkan ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa imanaya maalin kadib markii dowladiisu ay howlahii ay ka wadeen ka joojisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran iyadoo aan la cadeyn sabab rasmi ah oo loo xayiray howlahoodii.