Hoggaamiyihii Alqaacida ee Yemen Mukhtar al-raymi oo duqeyn lagu diley

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay dileen hogaamiyihii Alqaacida ee Yemen isla markaana ahaa ku xigeenka hogaamiyaha Alqaacida Ayman al-Zawahiri.

Hase yeeshee Madaxweynaha Maraykanka ayaan faahfaahin ka bixin dilka Qasim al-Raymi. “Hoggaanka Raymi waxa ay gabood falo badan ku sameeyeen shacabka Yemen waxana ay isku dayeen inay weeraro ku qaadaan ciidamadeena.”ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Trump ayaa intaa ku daray in dilka Raymi ay hoos u dhac u keeneyso dhaqdhaqaaqa Alqaacida ee caalamka oo dhan.

Wargeysyada Maraykanka ayaa toddobaadkii hore waxa ay baahiyeen in Maraykanku ay duqeyn dhinaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen dalka Yemen ayna ku dileen Raymi balse illaa iyo hadda ma jirin wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta lagu qaarijiyay Raymi in ay fuliyeen hay’ada u qaabilsan sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Yemen ayaa sheegtay in duqeyntan ay ka dhacday 25kii bishii hore gobolka Marib.

Dowlada Maraykanka ayaa dul dhigtey madaxa Raymi lacag gaareysa toban malyan dollar oo abaalmarin ah.

Raymi ayaa tababar ku soo qaatay gudaha dalka Afghanistan 1990kii waxana uu dib ugu laabtay Yemen balse waa la xirey isagoo lagu eedeeyay argagaxisanimo.

Hase yeeshee waxa uu ka baxsaday xabsiga sanadkii 2006 waxana uu hogaanka AQAP la wareegay markii la diley hogaamiyahoodii hore 2015.