Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa Muqdisho kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa ku saabsanaa arrimaha dhismaha golaha deegaanada, barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa waday bilihii la soo dhaafay qorshe loogu dhisayo golayaal deegaan qaar ka mid ah degmooyinka hoos taga maamulkaas.

Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa u sheegay wafdigii uu horkacayay Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle in Qaramada Midoobay ay ku dadaalayso sidii loo horumarin lahaa guud ahaan Hirshabelle iyo dalka oo dhan.