Ciidamada Thailand oo toogasho ku diley askari diley 26 ruux

Ciidamada dalka Thailand ayaa ugu dambeyntii ku guuleystey inay toogasho ku dilaan askari dilay illaa 26 ruux dhaawacayna inkabadan konton kale.

Askarigan Jakraphanth Thomma ayaa diley taliyihiisii kadibna ka qaatay hub faro badan xero ciidamada milatarigu lahaayeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askariga dil wadareedka geystey uu weeraray xarun laga tukaameysto oo ku taal bartamaha magaalada Nakhon Ratchasima oo sidoo kale loo yaqaan Korat.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay in askarigan uu ku kaco fal aad looga naxo oo dad badan ay ku dhintaan halka kuwo kalana ay ku dhaawacmaan.

Falka uu askarigan ku kacay ayaa ah mid ku cusub dalka Thailand waxaana aad uga naxay dadka ku nool magaalada ay arrintan ka dhacday.