Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna ayaa maanta la kulmey Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan .
Kulankan ayaa waxaa uu ka mid ahaa kulamada joogtada ah ee wakiilka qaramada midoobay uu la yeesho siyaasiyiinta Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankan ay iskula soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo weliba xiriirka dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada.

“Kulan aan la qaatay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaan kaga wada hadalnay arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Galmudug ayuu yiri” ayuu ku daabacay boggiisa C/raxman C/Shakuur.