Qarax goor dhow ka duleedka magaalada Muqdisho

Qarax lala eegtay ciidamo milatari ah oo saarnaa gaari oo goor dhow ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu gebi ahaanba burburay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha.

Qaraxan ayaa ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan halka loo yaqaan siinka dheer.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labo ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga ay ku dhinteen qaraxa halka afar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen.
Sidoo kale waxaa jira dad rayid ah oo marayay meel ku dhow halka qaraxu uu ka dhacay inay ku dhaawacmeen.

Qaraxyo ka dhasha miinooyin dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay ka dhacaan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye.