Senator Ayuub oo raaligelin ka dalbay Xildhibaan Mahad Salaad

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ugu baaqay xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka inuu raaligelin ka bixiyo qoraal uu dhowaan soo saaray kaasoo uu ku duray sharci ahaanshaha sharciga batroolka oo ay ansixiyeen Golaha Sare isla markaana saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Ayuub Ismaaciil Senatorka ka mid ah Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in howlaha aqalka sare uu yahay mid waafaqsan xeer hoosaadka aqalka sare iyo dastuurka dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa inaad raaligelin ka bixiso qoraalka aad ugu gaftay Golaha sharafta leh,kaas oo baalmarsan dastuurka KMGaarka ah iyo xeer hoosaadka Aqalka Sare kuna ah xadgudub hannaanka dowladnimo iyo xilgudashada hay’adaha dastuuriga ah ee la falgalay/dhaqangeliyay go’aanada Aqalka Sare.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Senator Ayuub;