Maamulka dalka Sudan oo aqbalay in maxkamada ICC lagu wareejiyo Cumar al-Bashir

Madaxda dalka Sudan ayaa oggolaaday inay ku wareejiyaan maxkamada dambiyada Caalamiga ah ee ICC Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-bashir si loogu qaado dambiyo uu galay.

Bashir oo haatan ku jira xabsi ku yaal dalka Sudan ayaa lagu eedeynayaa inuu geystey dambiyo ka dhan aadanaha gaar ahaan dagaalkii ka dhacay Darfur sanadkii 2003dii kaasoo ay ku dhinteen illaa saddex boqol oo kun oo ruux.

Warkan ayaa yimid kadib markii wadahadal uu ugaga bilowday magaalada Jubba madaxda dowlada Sudan iyo kooxda mucaaradka ah ee gobolka Darfur.

Afhayeenka Dowlada Sudan Mohammed Hassan al-Taishi ayaa sheegay in saddex ruux oo uu ku jiro Cumar Al-bashir loo gacan gelin doono Maxkamada ICC.

Lama oga sida ay u fulin doonaan ballanqaadan maamulka dalka Sudan waxaana hore maxkamad ay ugu xukuntay Cumar Xasan al-Bashir xabsi gaaraya labo sano.