Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor oo la kulmay Wasiirada Galmudug

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Galmudug.

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa waxaa wasiiradii la kulmay Madaxweyne Qoor-qoor ay isugu jireen qaar hore uu xilka ugaga qaaday Madaxweyne Xaaf iyo kuwo kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan loogaga hadlay xaalada guud ee Galmudug iyo sidii loo sii wadi lahaa howlaha Maamulka Galmudug horyaal.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa shalay waxaa uu kulan la qaatey Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Galmudug,isaga oo kala hadlayay arrimo la xiriira wada shaqeyn iyo dib u heshiisiin.