Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay Agaasimaha Taleefishinka iyo Idaacada Hirshabelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maareeyaha Taleefishinka iyo idaacada Hirshabelle Sayid Cali Caseyr.

Magacaabista Maareeyaha ayaa timid xilli uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka iyo weliba Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Hase yeeshee Maamulka Hirshabelle ayaan lahayn Taleefishin iyo Idaacad u gaar ah iyadoo muddo ka badan saddex sano uu jirey Maamulka.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha Hirshabelle uu bedelay Wasiirkii warfaafinta Hirshabelle isagoo magacaabay wasiir cusub.