Madaxweyne Farmaajo oo wada hadalo la yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wada hadalo kula yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.

Kulankan ayay labada dhinac iska wareysteen arrimo kala duwan sida horumarka dowladda ka sameysay dib u habeynta hey’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo xaaladihii u dambeeyay Geesk Afrika.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga Yurub ee ay ku bixiso dowlad dhisida Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir doceedyo la yeelanayay Madaxda caalamka ee lagu casuumay shirka Midowga Afrika, iyadoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq bixiyeyaasha ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana ay dhaqaale fara badan ku bixisaa howlgalka AMISOM, mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo arrimaha bani’aadanimada.