Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey’adda Socdaalka oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa maanta si rasmiya uga furay Magaalada Muqdisho Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) kaas oo sadexdii biloodba mar la qabto.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi),oo ugu horeyn sharaxay ujeedada shirka ayaa xusay in shirkan isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar laqabto laguna kala qabto Gobolada dalka iyo Caasimada, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, waxyaabaha laga gaabiyay iyo caqabadaha shaqo ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay lagala kulmay shaqada, iyo ka doodista qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.

“ Dhanka kale Shirkani waa shir ay waaxyaha iyo laamaha HSJ iskula xisaabtamaan kuna kala war qaataan, waana shir aan ku dhegeysano talooyinka iyo dhaliilaha ay Hey’addaha kale ee shaqadu nagala dhexeyso noo soo jeediyaan sida Wasaaradaha DFS,Maamulka G/Banaadir,Booliska, Maamulka Garoonka Aadan Cabdulle iyo Bulshada rayidka ah.” Sidaa waxaa yiri Agaasimaha Guud ee HSJ Col Maxamed A. Jimcaale (Koofi).

Gudoomiye K/xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, oo ka mid ahaa Madaxda ka soo qeybgashay Shirka ayaa sheegay in wada shaqeynta HSJ iyo Gobolka Banaadir uu yahay mid aad u wanaagsan, isagoo dhanka kalena xusay in balaarinta adeegyada Hey’adda ay wax badan ka qaban doonto baahiya bulshada ku nool gobolka banaadir.

Sidoo kale waxaa warbixin howleedkooda sadaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ku kala leedahay Caasimada iyo Gobolada dalka, kuwaas oo dhamaantood muujiyay in howlaha Hey’addu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay korna loo qaaday shaqada, foojignaanta iyo adeegyada ay Hey’addu bixiso.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar,ayaa sheegay in ay wadashaqeyn dhow leeyihiin Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, islamarkaana uu bogaadinayo in uu markii Labaad kala soo qeyb galo furitaanka shirkan HSJ.

“Anigu aqoon badan ayaan u leeyahay shaqada Hey’addan oo waxaan soo xukumayay waqti ay Garoonka Aadan Cadde ku soo degi jireen mid ama Labo diyuuradood maantana sida uu sheegay Maareeye k/xigeenka Garoonku waxaa ku soo degaya Garoonka 52 Flight ama duulimaad oo kala duwan, taasina waa mid ku timid dowlad nimadeena oo soo hagaageysa iyo dedaalka Hogaanka iyo Saraakiisha HSJ ay sameeyeen iyagoo kaashanaya Wasaaradaha ay wada shaqeeyaan iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” Sidaa waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Booliska S/Gaas Xijaar

Taliyihu mar uu soo hadal qaaday amniga dalka waxa uu sheegay in guud ahaan amaanku aad u wanaagsan yahay shaqo badana laga qabtay welina laga hayo, balse dalkaani uu yahay dal lagu soo duulay oo aan loo ogoleyn in uu wax horumar ah sameeyo, sidii arintaas looga hor tagi lahaana ay tahay masuuliyad wadareed saaran Hey’daha Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed oo laga doonayo iney wadajir isaga kaashadaan Amniga iyo xasiloonida dalka.

Shirkan 3 biloodlaha ah ee Hey’dda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ay furitaankiisa hadalo ka soo kala jeediyeen masuuliyiin kala duwan oo lagu casuumay ayaa Gebagebadii waxaa galabta soo xiray Agaasime k/Xigeenka Guud ee HSJ Col Ibraahim Xuseen.