Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku kulmay Addis Ababa

Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in wadahadal uu goor dhow ugaga furmay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Kulan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan labadan mas’uul ayaa imanaya xilli uu dhowaan gaaray magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyadoo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ka qeybgalayay shirweynaha 33aad ee Midowga Afrika.

Lama oga ajandaha kulankan hase yeeshee inuu kulankan jiro ayaa waxaa u xaqiijiyay jowhar.com ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Qaranka.

Hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in kulankan ay qabanqaabisay dowlada Ethiopia,waxayna dowlada Ethiopia dhowaan ugu soo dhoweysay magaalada Addis Ababa si maqaam sare ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kala soco wixii faahfaahin ah jowhar.com