Amnesty International oo walaac ka muujisay xaaladaha ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta Soomaaliyeed

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay uga hadashay xaaladaha ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Warbixintan ayay hay’ada Amnesty ku sheegtay inay saxafiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid tahay qaraxyo,garaacis,weeraro iyo xarig

Hay’ada Amnesty International ayaa cinwaan uga dhigtey warbixinteeda”Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.” waxaana lagu sheegay in xaaladda saxafiyiinta Soomaaliya ay ka sii dareyso iyadoo horeba u ahayd mid adag.

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sideed suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xiro si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty.