Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay magaalada Kismaayo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar bambaano oo caawa lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal bartamaha magaalada Kismaayo.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhinteen 13 kalana ku dhaawacmeen weerarkan bamka ah ee lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal isgoyska Golol kuna dhow aargada magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan bamka ah ayaa la dhigey isbitaalada magaalada Kismaayo iyadoo qaarkood ay dhaawacyadoodu culus yihiin.

Dhammaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarkan ayaa ahaa dad rayid ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Lama oga cidda ka dambeysay weerarkan bamka ah ee lagu qaaday goobtan ganacsi,iyadoo hore sidoo kale labo jeer isla goobtan ganacsi lagu weeraray bamka gacanta laga tuuro.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa tagay goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo baaritaan ay ka bilaabeen halkaa.

Weerarkan bamka ah ayaa imanaya xilli shalay ay is rasaaseyn ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo iyadoo Maamulka Jubbaland uu ku eedeeyay dowlada federalka inay ka dambeysay iskahorimaad qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Kismaayo.