Golaha Wasiirada oo ansixiyay xubnaha cusub ee Guddiga sare ee Bangiga

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay xubno cusub oo lagu biiriyay guddiga sare ee bangiga dhexe ee dalka.

Xubnaha guddiga ka mid noqonaya maamulka sare ee bangiga ee la meel mariyay ayaa waxa ay kala yihiin, Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. GabeyreXubnahan cusub ayaa buuxiyay shuruudaha looga baahnaa mas’uuliyiinta kamid noqonaysa guddiga maamulka bankiga.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay siyaasadda deegaanka, heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada iyo UNESCO iyo is afgarad dhex maray wasaaradda ganacsiga dalka iyo wasaaradda maalgashiga dalka Masar.