Madaxweynaha Puntland Deni oo la kulmay Taliyaha ciidamada Africom Gen Townsend

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kula kulmay magaalada Boosaaso Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend.

Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen ammaanka guud iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada,iyo wada shaqaynta Taliska Africom iyo Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend ayaa shalay magaalada Kismaayo waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa waxaa ay howlgalo iyo duqeynba ka geystaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.