Madaxweyne Farmaajo oo cudurdaar iyo raaligelin ka bixiyay dhibaatadii dowladii Siyad Barre u geysatay shacabka gobolada Waqoyi

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qudbad uu maanta ka jeediyay shirka golaha garsoorka ee ka socda magaalada Muqdisho waxa uu cudur-daar iyo raaligelin ka bixiyay dhibaatadii loo geystey shacabka ku nool gobolada Waqoyi ee dalka xilligii dowladii hore ee Siyad Barre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cafis weydiistey shacabka ku nool Somaliland isagoo xusay in dhibaatadii ka dhacday gobolada Waqoyi ay ahayd mid ay ka dambeysay nidaam dowli ah oo aysan ahayn Koofur oo ku duushay Waqooyi.

“Wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd nidaam ama hab dowli ah oo markaas jiray,anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaarsiino walaalaheen adinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warkiisa ku soo beegmaya iyadoo aysan dowlada federalka si toos ah ugaga hadlin kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.