Daawo;Madaxweyne Farmaajo oo eedeyn kulul u soo jeediyay dowlada Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay taleefsihinka Universal ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowlada Kenya isagoo ku eedeeyay inay farogelin ku hayso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa difaacay ciidamada dowladu geysay gobolka Gedo isagoo sheegay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo sugaya amniga xuduudaha dalka.

“Kenya maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxeyn karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyno Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii ka shaqeyneysana oo fududeyneysa waxaan u aqoonsanaynaa inuu yahay qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaysan aqbalaynin in loo isticmaalo dowlad goboleedyada ayna noqdaan kuwo lagu dhibo dowlada dhexe.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Puntland iyo xiriirka kala dhexeeyo Ethiopia iyo wadamo kale.

Halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhamaystiran;