Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay caawa magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in caawa lagu diley magaalada nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Raagge.

Dilka wiilkan oo ka dhacay meel ku dhow buundada kala qeybisa magaalada Jowhar ayaan la ogeyn cidda ka dambeysa iyadoo halkaa ay gaareen ciidamo Boolis ah baaritaanana ka sameeyay.

Sidoo kale xalay ayaa lagu diley wiil kale oo dhalinyaro ah xaafada Horseed ee magaalada Jowhar iyadoo dilka wiilkaasna uu ka dhashay muran faro badan.

Dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa loo xirey saddex askari oo ka tirsan ciidamada Booliska kuwaasoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka lagu diley ninkan dhalinyarada ah.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ahayd meel ammaan ah,hase yeeshee lama oga cidda ka dambeysa dilka xalay iyo caawa ka dhacay magaalada.