Faahfaahin ka soo baxaysa sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu diley Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka lana oran jirey Maxamed Cabdulle ayaa maanta lagu diley gudaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa ku weeraray sarkaalka meel ku dhow Haanta Dheer iyagoo dilka kadibna ka baxsaday goobta.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka sarkaalkan hase ahaatee waxaa hore dilal uga geysanayay magaalada Muqdisho kooxda Alshabaab.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii hay’ada nabadsugida Soomaaliyeed ay shaacisay inuu isaga tegey Al-Shabaab madaxii amniyaadka u qaabilsanaa caasimada dalka ee Muqdisho.