Maraykanka oo waqti kama dambeys ah u qabtay Al-Shabaab

Taliska ciidamada Africa ee AFRICOM ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in ay qorsheynayaan in awooda ururka Al-Shabaab ay hoos u dhigaan dhamaadka sanadka dambe.

Cilmi Baaris ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu sheegay in dhimista ama baabi’inta awood ay wax ku weerari karaan Al-Shabaab aysan ka daba mari karin bisha September 2021.

Sida laga soo xigtey AFRICOM xilligaas ayaa ah mid kama dambays ah oo micnaheedu yahay in kooxda Al-Shabaab aysan qaadi karin weeraro culus oo gudaha dalka Soomaaliya,dalka Kenya iyo weliba wadamada kale ee jaarka la ah.

Hase yeeshee qiimeyntan ayaa lagu sheegay in bilihii la soo dhaafay ay aad hoos ugu dhacday yareynta awooda Al-shabaab deegaanada ku xeeran magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa weli awood ku leh dalka Soomaaliya inkastoo ciidamada Maraykanka ay illaa 63 jeer ay duqeeyeeen deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa u aqoonsatay ururka Al-Shabaab inuu yahay mid qatar ku ah danaha Maraykanka ee qaarada Afrika