Taliye Saldhig Boolis oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bastoolado ay ku dhaawaceen taliyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masjid ku yaal magaaladda Boosaaso xiligii salaada Jimcaha.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray taliyaha balse haatan lagu daweynayo mid kamid ah isbitaalada magaalada Boosaaso.

Rasaastii ay fureen kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaa ku sugnaa.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday halka ay ku weerareen Korneylka,hase yeeshee goor dambe ayaa waxaa gaaray ciidamad amniga magaalada Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaan wanaagsanayn iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay weeraro ka geystaan magaalada waxaana dhacdadii ugu dambeysay lagu dhaawacay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maxkamada racfaanka gobolka Bari Mustaf Axmed Aadan.