Wararkii ugu dambeeyay dab ka kacay Warshad ku taal duleedka Muqdisho

Waxaa lagu guuleystey in la damiyo dab caawa fiidkii ka kacay warshad sifeysa biyaha oo ku taal duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa la sheegay inuu qasaare gaarsiiyay warshada waxaana dadaalo badan kadib lagu guuleystey in la damiyo dabka sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ka qeybgalay daminta dabka oo saxaafada la hadlay.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan inuusan jirin waxyeelo dhaawac ama dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray dabka.

Lama oga sababta keentay dabka balse waxaa dabkan sii xoojiyay dabaylo ka dhacaya deegaano kamid ah koofurta dalka Soomaaliya.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo weliba ganacsatadii lahayd warshadan uu dabku ka kacay.