Ilhan Cumar oo soo wajahday fadeexad cusub (Sawiro)

Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha aqalka Congresska dalka Maraykanka ayaa waxaa markale soo wajahday fadeexad cusub oo ah xiriirka kala dhexeeya Tim Mynett oo ah madaxa dhaqaale ururiyaha Ilhan Cumar.

Axmed Xirsi oo muddo dheerba ka shakisanaa in xiriir saaxibtinimo uu kala dhexeeyo Ilhan Cumar oo 39 ir ah Tim Mynett oo ah ninka dhaqaalaha u ururiya ayaa sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail waxa uu Axmed gudaha u u galay guriga ay ka degen tahay Washington Ilhan iyada iyo Mynett oo xiran dharka hurdada taasoo ah mid aysan suurtogal ka ahayn haweeney Islaam ah inay ku kacdo.

Wargeyska ayaa daabacay in Axmed Xirsi uu isaga laabtay guriga Ilhan isagoo aad u xanaaqsan. Axmed ayaa kula nool magaalada Minneapolis carruurta ay u dhashay Ilhan halka ay Ilhan degen tahay magaalada Washington.

Ilhan Cumar ayaa aad loogu dhaleeceeyaa in ay ka tagtay seygeeda isla markaana uu xiriir kala dhexeeyo Mynott oo isaga laftiisa furay xaaskiisa.

Wargeyska ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya Tim Mynott oo baco ku wata qamri badan galayana guriga ay ka degen tahay Ilhan magaalada Washington.

Hase yeeshee ma jiro ilo ka madax banaan wargeyska oo xaqiijinaya sawirada uu soo bandhigay.

Sidoo kale wargeyska ayaa daabacay in Ilhan ay lacag gaareysa 250,000 oo dollar siisay Axmed Xirsi si uu ugaga aamuso fadeexadan cusub ee soo wajahday Ilhan.

Axmed Cumar ayaa wargeysku sheegay inuu guursaday Ladan Axmed oo kalkaaliye caafimaadka carruurta ka shaqeysa,waxayna labaduba haatan ku sugan yihiin Boqortoyada Sacudi Carabiya iyagoo soo cimreystay.