Jubbaland oo sheegatay in ay ku soo biireen ciidamadii dowlada geysay Gedo

Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamada dowlada federalka geysay gobolka Gedo ay ka soo goosteen kuna soo biireen ciidamada Maamulka Jubbaland.

Cabdinuur Ibraahim oo ah afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada ku soo biirey ay isugu jiraan kuwo Haramcadka loo yaqaan iyo ciidamo kale oo Boolis ah.

Hase yeeshee afhayeenka ayaan sheegin tirada ciidamada ku soo biirey balse waxa uu ballanqaaday inuu dib ka soo sheegi doono.

“Ciidamadan waxa ay ka soo tageen magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo waxaana ay la kulmeen Wasiirka Amniga Jubblanad Cabdirashid Janan,”ayuu yiri afhayeenka.

Hase yeeshee ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada maamulka Jubbaland. Dowlada Federalka ayaa ku macneysay in ciidamada la geeyay gobolka Gedo ay ka qeybqaadanayaan ilaalinta xadka Soomaaliya.

Hase yeeshee dowlada federalka ayaa waxa ay kala kulantay eedeymo badan ciidamada ay geysay Gedo gaar ahaan dhul ammaan ah iyadoo magaalooyin ku dhow dhow caasimada aysan ammaan ahayn.