Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun ku ridey Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo ahaa kusimaha Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir iyadoo ku xukuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamimay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

Hay’adaha ammaanka Dowladda waxa ay waqti fog gacan ku hayeen Xubno loo qabtay Qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo shaqsiyaad ay la xiriiriyeen Al-Shabaab, waxaana ku socotay baaritaano.

Waxayna Laamaha Ammaanka hore u sheegeen in tiro dad ah loo xirey qarixii ka dhex dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu diley dad uu kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow .