Ciidamada dowlada oo soo bandhigay saraal ka soo goostay Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa soo bandhigay nin hore uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab balse haatan ka soo goostay.

Colaad Cabdiraxmaan Xirow oo ah sarkaalka la soo bandhigay ayaa muddo 11 sano ah kamid ahaa dagaalamayaasha Alshabaab.

Dagaalamahan isa soo dhiibay ayaa sheegay inuu ahaa darawal uuna la soo xiriiray saraakiisha ciidamada dowlada sidaasna uu ku yimid magaalada Xudur.

Hase yeeshee guddoomiyaha degmada Xudur Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab.

Magaalada Xudur ayaa kamid ah deegaano badan oo ay ururka Al-Shabaab go’odoomiyeen mana aha markii ugu horeysay ee sarkaal ka tirsan Al-Shababa uu isu soo dhiibo maamulka Koofurgalbeed.