Daahir Maxamuud Geelle oo ka digey muddo kororsi ay sameeyaan madaxda Dowlada Federalka

Daahir Maxamuud Geelle oo dhowaan shaaciyay inuu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digey in muddo kororsi sameeyaan madaxda dowlada kahor doorashada la doonayo in ay ka dhacdo dalka.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku yaqaano fal ceebeed la xiriira dhinaca doorashooyinka, hayeeshee uu sheegay in ay ka Shaqeynayan in la helo doorasho ku dhacda xor iyo xalaal.

“Waxaa la gaaray xilligii isbedel dhici lahaa,waxaan ka shaqeyneynaa in dowlada hadda jirta inay si nabad ah ku shaqeyso,waxaan ka shaqeyneynaa sidii ay ku dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa aad u dhaliilay siyaasada dowlada federalka ay kula dhaqanto maamul goboleedyada isagoo kula taliyay dowlada inaysan diidin oo aysan dafirin mas’uuliyiinta ku guuleysta doorashooyinka maamul goboleedyada.