Kulan-howleed looga arrinsayo hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qoddob muhiim ah oo ka tirsan dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horeeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeytirka dastuurka.

“Hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka waxa uu kamid yahay qodobada masiiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa la mid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xulashooyin ku saabsan hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaalka waxaana labada cisho ee uu kulanku socodo lagu falanqeeyn doonaa xulashooyinka ay soo bandhigeyso wasaaradda.