Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf oo soo dhoweysay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan XIldhibaanada Golaha Shacabka kana soo jeeda Somaliland ayaa soo dhaweysay socdaalka la qorsheeyay in Madaxweynaha Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.

Fowsiyo Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ay ka maqashay xubno sare oo ka tirsan Maamulka Somaliland qorshaha booqashada balse uusan xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ku wargelin Madaxweyne Farmaajo booqashada Hargeysa.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Waqoyi ee ka mid ah labada goleba ay raali ka yihiin qorshahan ayna uga mahad celinayaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba oo aad kala kulanto”ayay tiri Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay idaacada Mustaqbal oo ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo hore u soo noqotay Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa noqonaysa siyaasiyiga ugu horeeyay ee ka mid ah dowlada federalka ee soo dhoweeya booqashada la qorsheeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.