Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay xoghayaha guud ee IGAD Gebeyehu

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayaha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliyo qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayaha maamulka urur gobaleedka IGAD, Dr. Wrorkneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iy0 Dr. Wrorkneh Gebeyehu ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha gobalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo garab istaagga IGAD ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dr. Wrorkneh Gebeyehu oo socdaalkiisa uu dalka ku yimid uu ahaa booqashadiisii ugu horreysatay intuu uu ahaa xogyahaya IGAD ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyta, waxuuna hoggaanka dalka ku bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naashahooda hormuudka u noqday in horumar laga gaaro qorshaha dib-u-habeynta.

Soomaaliya ayaa kamid ah aasaasayaashii urur gobaleedka IGAD oo ay ku mideysanyihiin dalalka Soomaaliya Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Suudaan, Sudaanta Koonfureed iyo Uganda.