Maraykanka oo taageero maaliyadeed siinaya dowlada Ethiopia

Maraykanka ayaa ugu deeqaya taageero maaliyadeed dowlada Ethiopia si ay u sii xoojiso dib u habeynta siyaasada sida laga soo xigtey xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warkan ayaa soo baxay xilli uu booqasho ku tegey maanta magaalada Addis Ababa xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo.

Hase yeeshee warkan ku saabsan taageerada maaliyadeed ayaysan ka hadlin Pompeo iyo Abiy, waxana Maraykanka uu sanad walba gargaar maaliyadeed u siiyaa dowlada Ethiopia lacag gaareysa hal bilyan oo dollar.

PomPeo ayaa ammaanay dib u habeynta siyaasadda ee uu hogaanka u hayo Abiy Axmed. Waxana uu Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka uu ballanqaaday in siddeed malyan oo dollar ku bixinayso dowladiisa la dagaalanka Ayaxa.

Dalka Ethiopia ayaa lagu wadaa in 29ka bisha August ee sanadkan in ay ka dhacdo doorasho,waxana uu Abiy Axmed ballanqay in doorashadu ku dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Booqashada Pompeo ee uu ku tegey dalka Ethiopia ayaa ka mid ah safar uu ku kala bixinayay dalalka Germany, Senegal iyo Angola.

Booqashadan ayaa imanaysaa iyadoo su’aal laga keenay halka uu ka taagan yahay Madaxweynaha Maraykanka Trump wadamada ku yaal qaarada Afrika.