Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jilib

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Africa AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Maraykanka lagu diley mid ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab oo ku sugnaa degmada Jilib.

Miguel Castellanos Ku xigeenka hawlgalada Africom ayaa sheegay in dagaalayaasha al-Shabaab ay qayb ka yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dunida kajiro ayna doonayaan in xoojiyaan weerarada ay kula dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidamada Maraykanka iyo ciidamada dowlada Soomaaliya haatana la qiimaynayo in waxyeelo ka soo gaartay duqeyntan dad rayid ah.

Dhowaan ayaa waxaa duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka geysteen duleedka magaalada Jilib waxaa waxyeelo isugu jirtey dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen qoys Soomaali ah oo xilligii duqeynta ay dhacaysay ku sugnaa gurigooda.