Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay ku qaadeen Alshabaab saldhigga Ceel Salini

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan weerar ay ururka Alshababa ku qaadeen saldhig ciidamada dowlada ku lahaayeen Ceel Saliini ee gobolka Shabelaha Hoose.
Illaa 12 askari oo kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa lagu diley weerarka halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska dagaalamayaashii Al-Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ku bilowday u adeegsaday saldhigga Ceel Salini.

“Hub faro badan oo ay ku jiraan qoryaha difaaca cirka ayay hore u qaateen iyo labo gaadiidka dagaalka ayay hore u qaateen,”ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada booliska gobolka Shabelaha hoose.

Afhayeenka howlgalada Alshabaab Cabdicasis Abu Muscab ayaa sheegay in ay muddo kooban haysteen saldhiggan ayna hub faro badan ka qaateen.

Waa markii labaad ee saldhigga Ceel Salini ay weerar ku qabsadaan dagaalamayaasha Alshabaab.